Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ku dhawaAQDAY HALKA UU KA IMAANAYO imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland.

Dhammaan Guddoomiyeyaasha Waxbarashada gobollada iyo degmooyinka, maamulayaasha dugsiyada dhexe ee Puntland, macallimiinta dugsiyada dhexe ee Puntland, ardayda fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland iyo waaliddiinta jecel ilmahooda waxbarashadooda waxaa lagu wargalinayaa in imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland uu ka imaan doono manhajka cusub ee fasalka 8aad oo dhawaan loo qaybiyey goobaha waxbarashada ee dugsiyada Puntland.

Waxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland faraysaa maamulayasha dugsiyada dhexe ee Puntland iyo macallimiintooda inay raacaan buugga hagaha macallinka iyo buugga ardayga ee fasalka 8aad.

Manhajkan cusub ayaa kaalin mug leh ka qaadan doono sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada iyo sidii loo heli lahaa waxbarasho heer sare ah.

Manhajka cusub ee la hirgeliyey sannadkii 2023 ayaa ah mid ku qotoma aqoon iyo xirfad ku habboon ardayda oo lagu daray waxbarashada akhlaaqda, sidaa awgeed waxa uu door weyn ka qaadan doonaa buuxinta galdaloolooyinka dhinaca waxbarashada.

Manhajkan innagaa diyaarsannay, waa mid ku salaysan dhaqankeenna tayo ahaan iyo fahan ahaanba waa mid anfacaya ardaydeenna. Sidaasi darteed, waxaan idinku boorrinaynaa in aad si fiican ula socotaan aqoonta ubadkeenna iyo akhlaaqdooda.

0 thoughts on “Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ku dhawaAQDAY HALKA UU KA IMAANAYO imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland.”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *